Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Khamiistii maanta shaacisay natiijada imtixaanaadka shahaadiga ee fasalka 12aad, Dugsiga Sare ee sanad dugsiyeedka 2020/2021.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa imtixaanaadkan ka qaaday ardayda wax ka barata Gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedyada, marka laga reebo Puntland.
Ardayda gudubtay ayaa tiradooda lagu sheegay 30,262, iyadoo tirada dhacday lagu sheegay 4,646, halka wadarta guudna ay tahay 34,908.




Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





