Thursday, April 30, 2026
30.9 C
Mogadishu

Galmudug oo ka hadashay Qarax la fashiliyay iyo Howlgalka ka socda Mudug

Mudug (Halqaran.com) – Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka warbixisay howlgallada Al-Shabaab looga saarayo gobolka Mudug, kuwaasoo ka socda deegaanno ku yaalla agagaarka degaanka Bacaadweyn.

Maamulka Galmudug ayaa sheegtay in Hawlgal ballaaran iyo weerar jihooyin kala duwan leh ayay subixii Jimcaha maanta ciidamada amniga Galmudug iyo ciidamada qaranku ku ekeeyeen goobo badan Al-Shabaab ay joogeen.

“Kooxda argagixisada Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saakay laga fashilayay isku-day weerar ismiidaamin ah oo lagu soo xiray gaari noociisu ahaa Land Cruiser oo ay argagixisadu ku doonayeen in ay ku hakiyaan dhaqaaqa ciidamada huwanta ah, balse Alla fadligii waxay ciidamadu qarxiyeen gaarigii dhagarta damacsanaa waxaana goobtii ku dhintay nafti halligihii gaariga qaraxa darawalka ka ahaa” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda Amniga.

Ciidamada huwanta ah ayaa ku sii sigaya magaalada Camaara ayagoo burburiyey difaacyo Al-Shabaab  ay dhigeen hareeraha Camaara iyo Bacaadweyn.

Maamulka Galmudug waxay sheegtay in howlgalkaan uu sii socon doono iyadoona u jeedadu ay tahay in ciidanka Ammaanka ay gaaraan degmada Xarardheere.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...