Sunday, April 19, 2026
28.2 C
Mogadishu

Madaxweynaha Hirshabeelle ‘Cali Guudlaawe’ oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo safar ugu maqnaa maalmihii la soo dhaafay dalka Turkiga ayaa Khamiisti maanta dib ugu soo labtay Caasimadda Muqdisho.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda Federaalka, Maamulka Jubbaland iyo mas’uuliyiin kale.

Cali Guudlaawe ayaa isaga oo ku maqan dalka Turkiga waxa uu Aalada (ZOOM-KA) uu uga qeyb galay shirka Golaha wadatashiga Qaran ee ka qabsoomay magaalada Muqdisho, kaas oo laga soo saaray jadwalka dorashada.

Wararka ay heleyso Halqaran News ayaa sheegaya in madaxweynaha Hirshabeelle uu dhawaan tegi dono magaalooyinka Jowhar iyo Beledwyene si uu u kormeero goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tan iyo doorashadiisii tegin Magaalada Beledwyene, iyada oo dhwor jeer uu uga baaqday sababo la xiriira diidmada maleeshiyad uu hoggaaminayo Janeraal Xuud oo kasoo horjeeda dorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...