Sunday, April 19, 2026
28.2 C
Mogadishu

Garoowe: Shirka Wadatashiga Wasaaradaha Caafimadka dowlad goboleedyada oo la soo gabagabeeyay

Garoowe (Halqaran.com) – Shirka Wadatashiga Wasaaradaha Caafimaadka dowladaha xubnaha ka ah DF Soomaaliya iyo Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Shirkan oo ay martigalisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa soconayay saddex maalmood, waxaana intii uu socday dib loogu eegay laguna lafaguray sidii la isku kaashan lahaa loona horumarin lahaa caafimaadka dalka.

Sidoo kale, shirka waxaa maanta ku soo biiray hay’addaha caalamiga ah, kuwa wadaniga ah iyo qaar kamid ah macaahidda cilmi baarista Puntland, waxaa sidoo kale qaabka Online-ka ah uga qaybgalay qaar ka mid ah wakiillada dalalka taageera caafimaadka Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Faarax Xasan oo xiritaankii shirka ka hadlay ayaa xusay muhiimadda uu lahaa shirkaan iyo in la iskaga xog waraystay qorshayaasha caafimaadka dalka, waxaa sidoo kale wax la iska weydiiyay guulaha la gaaray caqabadaha jiray shirkii kan ka horreeyay ee ka dhacay Muqdisho.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar iyo Wasiiiradda dowlad goboleedyada ka soo qaybgalkooda shirka iyo inay wax badan ku darsadeen kana go’antahay sidii si wada jir ah looga wada shaqayn lahaa caafimaadka dalka.

Wasiirka Wasaraadda caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur oo shirka soo xirtay ayaa dhankeeda xustay muhiimadda shirkaan wadatashiga uu u lahaa dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxay dhankeeda uga mahadcelisay dadaalkii iyo garab istaagii ay sameeyeen mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo siday ugu fududeeyaan in shirkaani u qabsoomay sidii ugu quruxda badnaa.

Marwo Fowsia ayaa hoosta ka xariiqday in shirkaan uu ka soo baxay qorshe si wadajir ah loogu hoggaamin doono, laguna horumarin doono caafimaadka dalka.

Waxayna hay’addaha caalamiga ah iyo dalalka ka taageera caafimaadka Soomaaliya fartay inay ugu dambeeyaan Wasaaraddaha caafimaadka ee dalka ka jira baahiyaha ay soo gudbiyaana ay wax kala qabtaan.

Wasiirka Wasaraadda caafimaadka XF Soomaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa xustay, in shirkaan midka xiga lagu qaban doono Jubbaland uuna martigaliyay Wasiirka caafimaadka Jubballand.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...