Wednesday, January 21, 2026
24.6 C
Mogadishu

Golaha Amaanka ee QM oo si kulul u cambaareeyay dilkii Madaxweynihii dalka Haiti

Haiti (Halqaran.com) – Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeyay dilkii loo geystay madaxweynihii dalka  Haiti  Jovenel  Moise.

Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo hor keeno caddaaladda shakhsiyaadkii ka dambeeyay falkaas.

Sidoo kale, Golaha ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda ee dalka Haiti inay ka fogaadaan rabshado cusub iyo inuu dalku galo qalalaaso .

Dhinaca kale, ciidamada ammaanka ee dalka Heyti ayaa dilay Afar ruux oo looga shakisam yahay in ay lug ku leeyihiin dilkii madaxweynihii dalkaasi.

Waxaa gacanta lagu dhigay laba kale, halka la tilmaamay in qaar kale oo baxsad ah ay ku dhuumaaleysanayaan magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince.

Taliyaha ciidamada Booliska ee Heyti Leon Charles ayaa sheegay in dadkii ka dambeeyay dilka madaxweynaha la dili doono ama la soo qaban doono.

Ugu dambeyn, Madaxweynihii dalka Haiti ee la dilay ayaa da’diisa aheyd 53 sano jir, waxaana haatan xaaskiisa lagu daaweynayaa Florida.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...