Thursday, April 23, 2026
28 C
Mogadishu

AKHRISO: Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad oo la shaaciyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kaga qeybgalay Munaasabad lagu soo Bandhigaayay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad Dugsiyada Gobolka Banaadir ee sanad dugsiyeedka 2020-2021.

Imtixaanka Shahaadiga fasalka 8-aad ee sanadkaan ayaa waxaa u fariistay Arday gaareysa 25,885, iyadoona lagu galay 72 Xarumood oo hoos yimaada Gobolka Banaadir.

Wadarta guud ee Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir ee gudubtay ayaa waxaa lagu sheegay 24,198 oo isugu jira  10,275 Dumar ah iyo 13,923 Rag ah, waxaana dhacay Gobolka Banaadir sanadkan 1,687 Arday.

Sidoo kale, agaasinka waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 13-ka Arday ee kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee Sanad Dugsiyeedka 2020-2021.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho ayaa Hambalyo iyo Boogaadin u diray dhamaan ardeydii u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee Sanad Dugsiyeedka 2020-2021, Asigoona ardeyda gudubtay iyo kuwa Hartayba ku Amaanay dadaalka ay muujiyeen.

Duqa Muqdisho ayaa Ardayda kula dar-daarmay in lagu dadaalo Waxbarashada si Bulshada u noqdaan, kuwo aqoon leh oo jahliga la dagaalama.

Si kastaba, waa sanadkii labaad oo xriir ah oo Maamulka Gobolka Banaadir uu qaaday Imtixaanka fasalka 8-aad ee Dugsiyada Waxbarashada Gobolka Banaadir ee Caasimada dalka Soomaaliya tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...