Garoowe (Halqaran.com) – Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Puntland ayaa Axadda maanta ah kulan ku yeeshay magaalada Garoowe, iyadoo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jabriil.
Golaha Wakiillada maamulka Puntland ayaa maanta Ansixiyay mooshin la xiriira wax ka beddelka xeerka hoosaadka Golaha.
Kulanka maanta ayaa waxaa soo xaadirtay 52 Xildhibaan, waxaana ajandaha fadhigu ahaa Ansixinta wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, wax-ka-bedelkaas oo ay Golaha u soo gudbiyeen Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda, soo jeedinta kadib goluhu ku taageeray cod aqlabiyad ah.
Ansixinta wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada waxaa oggolaaday 38 Xildhibaan , waxaana diidey 10 Xildhibaan, halka ay ka aamustay 4 Xildhibaan.
Sidoo kale, ansixinta xeerkan ayaa waxaa la sheegay inay meesha ka saarayso Guddoomiyayaasha Wakiillada Puntland oo ay badnayd in mooshinno lagu rido, iyada oo horey loogu ridi karay 34 mudane oo ahayd tiro yar.
Ugu dambeyn, Ansixinta xeerkan ayaa ku soo beegmaya xilli Golaha Wakiilada Puntland ay horay u rideen Guddoomiyihaoodii hore ee Cabdixakiin Dhoobo-Daareed, sidoo kalena ay xasaanada Xildhibaanimo ay ka xayuubiyeen 8 mudane.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





