Thursday, April 23, 2026
27.7 C
Mogadishu

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo warqadda Iscasilaadiisa soo gudbiyay

Hargeysa (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Waraaqda iscasilaada u gudbiyay Golaha Guurtida .

Guddoomiyaha ayaa waxa uu iscasilaadiisa ku Wargaliyay Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo dhiniciisa ka aqbalay .

Sabtida soo socota ayaa lagu wadaa in uu Guddoomiyuhu arintani faah-faahin ka bixiyo sababaha keenay inuu iscasilo.

Waxaana la filayaa in kursigaas uu buuxiyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Mudanayaasha Golahani ayaa ku fadhiya Nidaamka Beelaha, taasi oo horaba uu ugu soo galay Guddoomiye Saleebaan Sanadii 2004-tii, Xiligaasi oo uu geeriyooday Guddoomiyihii wakhtigaasi ee Golaha Guurtida AUN Sheekh Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...