Wednesday, June 3, 2026
26.6 C
Mogadishu

Guddoomiyaha Aqalka sare & Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho ku kulmay

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa waxaa uu Axaddii Maanta kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ku sugan Magaalada muqdisho.

Cabdi Xaashi iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii loo dardar-galin lahaa dadaalada loogu jiro qabsoomida Doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe dadaalada uu gelinayo sidii dalkaan uga dhici laheyd doorasho loo dhan yahay.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland oo Muqdisho u yimid ka qeyeb galka kulanka Golaha wadatashiga doorashooyinka ayaa waxaa la filaya in uu la kulmay Madaxda kale ee dowlad Goboleedyada ee ku sugan Caasimadda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmai.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...