Thursday, April 30, 2026
28.3 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka furmaya Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Sabtida maanta la filayaa sida uu qorshuhu yahay in Magaalada Muqdisho ay kulan ku yeeshan golaha wadatashiga Qaran oo ka kooban, Ra’iisul Wasaare rooble, madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir, hayeeshee ay u muuqato in uu dib u dhacayo shirkaas.

Shirkan oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo howlihii ka qabsoomay tan iyo heshiiskii 27-kii May, waxaana uu ka dhashay kadib kulanka khadka  internet-ka ah oo ay yeesheen Golaha wadatashiga Qaran.

Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa shalay ilaa maanta soo gaaraya magaalada Muqdisho si ay uga qeybgalaan shirkaasi lagu ballansanaa inuu maanta furmo.

Howlaha doorashooyinka Soomaaliya ee loo xil-saaray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilligaan meel wanagsan maraya, iyada oo dhawaan la filayo in guud ahaan dalka ay ka bilaawdaan howlaha doorashooyinka ee Xildhibaannada labada Aqal.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...