Wednesday, April 29, 2026
28.7 C
Mogadishu

Midowga Musharraxiinta oo war deg-deg ah ka soo saaray Guddiga Ciidamada u maqan Eritrea

Muqdisho (Halqaran.com) – Midowga Musharraxiinta ayaa Isniintii maanta soo saarey bayaan ay ku soo dhaweeyeen guddiga uu u magacaabay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ee baaraya xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada ku maqan Eritrea.

War qoraal ah oo ka soo baxay Midowga Musharraxiinta ayaa sidoo kale waxaa lagu saluugay xubno kamid ah guddiga, oo ay ku eedeeyeen iney iyaga yihiin kuwo loo heysto eedda, oo ah dhibaatada soo wajahday ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Eritrea.

Golaha ayaa ka dalbadey RW Rooble inuu dib u magacaabo guddi lagu kalsoonaan karo oo dhexdhexaad ah oo aan ka tirsaneyn dowladda sida ururada bulshada rayidka.

Midowga Musharraxiinta ayaa uga digay dowladda in shacabka aaney jah wareerin, iyagoo ku booriyey in waajibaadka loo igmadey ay si wanaagsan oo hufan u gudato.

Si kastaba, warkan ka soo baxay Midowga Musharraxiinta ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan Ra’iisul Wasaare Rooble uu Magacaabay Guddi soo baara cabashada Waalidiinta Carruurtooda uga maqan tahay dalka Ereteriya, islamarkaana Guddigaas ay Shaqadooda bilaabayan.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...