Saturday, May 2, 2026
30.9 C
Mogadishu

Shirka madaxda Soomaalida oo maanta galay maalintii afaraad

Muqdisho (Halqaran.com) – Iyadoo maalintii afaraad uu galayo maanta shirka Wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka dalka ee u dhaxeeya madaxda Federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa wararka lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan in la filayo in lasoo gabagabeyn doono shirka Wadatashiga Qaran lana filayo iney kasoo baxaan natiijooyin wanaagsan.

Shirkan oo si toos ah u furmay maalintii Sabtiga ayaa looga dooday qodobo xasaasi ah oo dhammaantood la xariiray xal u helista arrimaha doorashooyinka dalka, waxayna sheegeen madaxda qaarkood in shirka uu yahay mid si wanaagsan u socda oo ay ka qabaan in natiijooyin waxtar leh kasoo bixi doonaan.

Qodobada ay madaxda sida aadka ah diirada ugu saarayaan shirka Afisyooni ayaa ah heshiiskii la gaaray 17-kii September iyo heshiiskii Baydhabo.

Shirka ka socda Teendhada Afisyooni oo wajigiisa Afaraad lagu wado inuu goordhaw bilaabmo ayaa waxaa bogaadiyay Beesha Caalamka, Golaha Midowga Musharaxiinta iyo shacabka Soomaaliyeed waxaana laga dhur sugayaa iney kasoo baxaan shirka natiijooyin farxad geliya shacabka Soomaaliyeed, dalkana u jiheeya doorasho wadar ogol ah oo qabsoonta.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...