Thursday, June 25, 2026
27 C
Mogadishu

Haweeney Koonfur Afrikaan ah oo dishay ninkeeda oo Soomaali ahaa

Muqdisho (Halqaran.com) – Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cabdikariin Mahdi Saalax ayaa waxaa habeenkii xalay aheyd lagu dilay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Dilka loo geystay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa waxaa fulisay xaaskiisa uu qabay oo u dhalatay Koonfur Afrika, waxaana falkaas uu ka dhacay xaafadda Soomaalida ee Mayfair ee magaalada Johannesburg.

Xaaska uu qabay Cabdikariin Mahdi Saalax ayaa waxaa ay dilkiisa u adeegsatay qori uu lahaa, isla markaana waxaa ay rasaas uga dhufatay madaxa, isagoona goobta ku geeriyooday, sida laga soo xigtay muwaadiniin Soomaali ah oo goobta tegay.

Haweeneyda falka geysatay ayaa la tilmaamay inay wacday Booliska Koonfur Afrika, ayna u sheegtay wixii dhacay, waxaana intaas kadib gacanta ku dhigay Booliska haweeneydaas oo xiray.

Weli si dhab ah looma oga sababta keentay in haweeneyda ay disho Cabdikariin Mahdi Saalax oo qabay, kaasi oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed, isla markaana Koonfur Afrika ku lahaa goobo ganacsi.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...