Muqdisho (Halqaran.com) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulan gaar ah oo albaabada u xirnaa uu xalay dhex maray hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Galmudug, Puntland iyo Koonfur Galbeed.
Xogta ayaa sheegaysa in kulanka uu ka dhacay hotelka Peace ee ku yaalla garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa la sheegayaa in qabanqaabadiisa uu lahaa madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, waxaana uu ahaa mid madaxweyne Qoorqoor uu fursad siyaasadeed ugu abuurayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soconaya kulamo lagu dhameynayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.
Madaxda Soomaalida ayaa la filayaa in kulanka maanta uu yahay mid xasaasi ah oo diirada lagu saarayo ajandaha shirka iyo sida ay u dhici doonto doorashooyinka Soomaaliya.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





