Thursday, April 30, 2026
30.9 C
Mogadishu

Nin si qarsoodi ah u dilay 40 qof kuna aasay gurigiisa oo la qabtay!

El Salvador (Halqaran.com) – Nin horay uga tirsanaa booliska waddanka El Salvador ee ku yaalla qaaradda Amerika ayaa hoygiisa laga helay meydadka ugu yaraan 24 ruux, sida ay sheegeen saraakiisha booliska waddankaas.

Qabuuraha la helay ayaa la sheegayaa inay ku jiraan meydadka illaa 40 ruux oo intooda badan ay yihiin haween da’ dhexaad ah iyo gabdho yar yar.

Hugo Ernesto Osorio Chavez, oo 51 jir ah ayaa lagu xiray magaalada Chalchuapa kaddib markii lagu eedeeyay dilka haweeney 57 jir aheyd iyo gabadheeda oo 25 jir aheyd, isagoona qirtay dilka labadan haween.

Booliska ayaa aaminsan in helitaanka meydadkan ay daaha ka rogi doonaan sirta dilal qarsoodi ah oo socday muddo ka badan toban sano.

Booliska waddanka El Salvador ayaa sheegay in helitaanka qabuurahaan guriga ku qarsanaa uu caddeyn u yahay jiritaanka shabakad dilalka fulisa oo howl galeysay ugu yaraan toban sano.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...