Saturday, June 27, 2026
25.2 C
Mogadishu

Ergaygii Midowga Afrika ee Soomaaliya oo is casilay

Muqdisho (Halqaran.com) – John Dramani Mahama oo ah madaxweynihii hore ee Ghana, kaasoo ururka Midowga Afrika u magacaabay ergayga Soomaaliya ee dhex dhexaadinta khilaafaadka siyaasadeed  ayaa sheegay in uu ka tanaasulay aqbalaadii xilka ergaynimo ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay ku saxeexantahay kaaliyaha gaarka ah ee John Dramani Mahama, oo lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee uu ku leeyahay internet-ka, ayaa lagu sheegay in warqad uu u qoray guddoomiyaha Midowga Afrika uu madaxweynihii hore kaga noqday aqbalaadiisii hore ee ahayd in loo magacaabay ergayga Soomaaliya u qaabilsan ururka Midowga Afrika.

“Isaga oo uga mahad naqay Midowga Afrika kalsoonida uu ku qabo, ayaa Mahama waxa uu tilmaamay in muhiimadda weyn ee siyaasadeed ee ay u baahan tahay howshaa loo xil saaray tahay in uu taageero iyo wadashaqayn aan tuhun lahayn ka helo dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee arintu khusayso”. Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...