Garasbaaleey (Halqaran.com) – Qarax khasaaro geystay ayaa goordhaweyd ka dhacay deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay Qaraxaasi.
Jugta Qaraxa ayaa si weyn looga maqlay xaafadaha ay ka Kooban tahay Garasbaaleey, waxaana la helayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan qaraxaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxaas ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay taasoo lala beegsaday guddoomiyaha deegaanka Garasbaaleey, iyadoo qaraxaas uu ku geeriyooday guddoomiyaha iyo dad kale, sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah oo ku sugan halka ay wax ka dhaceen.
Guddoomiyaha ayaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Axmed Cali (Garyare), waxaana lagu qarxiyay sida wararku sheegayaan meel u dhow Masaajid uu ku dukan jiray, oo ku yaalla deegaanka Garasbaaleey.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





