Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay kulan kula yeeshay hotel Dècalè ee magaalada Muqdisho madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ibraahim Macallimow oo faahfaahin ka bixiyay kulanka ayaa sheegay in uu ahaa is-xogwareysi iyo casho Ra’iisul Wasaare Rooble u sameeyay madaxda ku sugan Muqdisho ee ka qeyb galaysa shirka wadatashiga doorashada Soomaaliya.
Macallimow waxa uu sheegay in madaxweynayaasha Puntland iyo Hirshabeelle la filayo in ay Muqdisho soo gaaraan maanta oo Jimce ah, marka la isu yimaado kadibna uu furmi doono shirka oo Khamiistii baaqday arrimo aanan la caddeyn.
Wuxuu tilmaamay inta uusan shirku furmin ka hor in Ra’iisul Wasaare Rooble kulamo gooni gooni ah la qaadan doono madaxda ka qeyb-galaysa shirka.
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa rajo weyn ka muujiyay shirka Muqdisho iyo natiijada ka soo bixi doonta.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





