Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Cabdi samad Cali Shire ayaa maanta oo khamiis ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Marxuumka oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanaa magaalada Hargeysa, ayaa shalay la keenay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu saaka ku geeriyooday.
Allaha u naxariistee Cabdisamad Cali Shire ayaa soo noqday madaxweyne ku xigeenkii Puntland dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole (8 January 2009- 8 January 2014).
Wuxuuna sidoo kale ahaa Janaraal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





