Tuesday, April 28, 2026
28.6 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka wadatashiga doorashooyinka

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan wafuud ka socda madaxda dowlad goboleedyada kala ah Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland.

Wafuudaan ayaa waxaa ay ka qeyb geli doonaan shir uu dhawaan iclaamiyay R/Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo lagu balamay inuu Muqdisho ka qabsoomo maanta oo khamiis ah, taariikhduna ay ku beegan tahay 20-ka May.

Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya iyo sidii arrintaasi xal waara looga gaari lahaa.

Qaban qaabada shirka uu iclaamiyay R/Wasaare Rooble ayaa waxaa uu haatan ka socdaa magaalada Muqdisho.

Xalay magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, kaasi oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Maanta ayaana la filayaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka uu dhawaan iclaamiyay R/Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, sida uu xaqiijiyay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...