Saturday, May 2, 2026
28.4 C
Mogadishu

Gabar 17 jir ah oo heshay 19 deeq wax barasho oo ku kacayo in ka badan $5 milyan!

Nigeria (Halqaran.com) – gabadhaan oo ah gabar da’ yar ah una dhalatay waddanka Nigeria ayaa heshay 19 deeq wax barasho, waxa ayna ka heshay jaamacado ku yaalla Mareykanka iyo Canada.

Victory Yinka-Banjo oo ah gabar 17 jir ah ayaa heshay deeqo wax barasho oo ku qiimeysan 5 milyan oo doolar, waxayna ka heshay jaamacado ku kala yaalla waddamada Mareykanka iyo Canada.

Gabadhaan ayaa qabsatay cinwaanada caalamka kaddib markii ay keentay darajada A dhammaan 6-da maado intii lagu jiray imtixaanka Cambridge IGCSE, waxayna noqotay qofka ugu sarreeya adduunka imtixaanka  English-ka jaamacadda Cambridge International Examination (CIE).

Gabadhaan ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay deeqahaan qaaliga ah, iyadoo xustay in ay keentay kaddib markii ay shaqo adag soo qabatay.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...