Friday, May 1, 2026
28.1 C
Mogadishu

Gobolka Ohio oo bilaabay qorshe dadka iska tallaala caabuqa COVID-19 ay ugu guuleysan karaan $1 milyan

Ohio (Halqaran.com) – Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Mareykanka ayaa sii kordhiyay inay ka dhaadhiciyaan dadka Mareykanka ah in ay qaataan tallaalka caabuqa COVID-19.

Guddoomiyaha gobolka Ohio Mike DeWine ayaa soo bandhigay qorshe cusub oo dadka looga dhaadhicinayo in ay qaataan tallaalka wuxuuna soo bandhigay in qof kasta oo is tallaala uu heli karo abaalmarin gaareysa 1 milyan oo doolar.

DeWine oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in shan ka mid ah dadka degan Ohio ay ku guuleysan doonaan lacagta, lacagahaan ayaa ka imaandoona miisaaniyadda federaalka.

“Waan ogahay in dad badan ay dhihi doonaan DeWine waad waalan tahay, fikraddaan waa mid lacagta lagu khasaarinayo, laakiin khasaarada dhabta ah xilligaan waa bandowga iyadoo qof kasta uu heli karo tallaal.” Ayuu yiri guddoomiye DeWine.

Iyadoo 117 milyan oo Mareykan ah taasoo noqoneysa saddex meelood meel dadka Mareykanka ay si buuxda u qaateen tallaalka caabuqa COVID-19, sida laga soo xigtay xarumaha Mareykanka ee xakameynta iyo ka hortagga cudurada.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...