Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Talaadadii maanta dhagax dhigay Buundooyinka Degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab oo dib-u-dhis lagu sameynayo.
Cumar Filish ayaa sheegay in dib-u-dhiskan ay iska kaashanayaan maamulka Gobolka Banaadir iyo Bankiga My Bank.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir uu soo dhaweynayo cid kasta oo ka qayb qaadanaysa horumarinta iyo dib-u-dhiska Caasimadda Muqdisho, isagoona bogaadiyay qorshaha uu My Bank kaga qayb qaadanayo dhismaha labada buundo ee mara Degmooyinka Xamar Jabab iyo Waaberi, muhiim-na u ah isu socodka magaalada.
Sidoo kale, Cumar Filsih ayaa shacabka reer Muqdisho kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan bilicda goobaha dib-u-dhiska lagu sameynayo, si loo wada ilaashada goobaha danta guud ee ummaddu wada leedahay.
Dhagax dhigaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiye Kuxigeenada Howlaha Guud & Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno ka socday Bankiga My Bank.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





