Friday, May 1, 2026
30.9 C
Mogadishu

Bakhtinasiib gaaraya $26 milyan oo la la’yahay ciddii ku guuleysatay!

California (Halqaran.com) – Lacagtaan oo gaareysa 26 milyan oo doolar ayaa lagu helay bakhtinasiib laakiin illaa hadda lama oga cidda sida rasmiga ah ugu guuleysatay, iyadoo ku guuleystaha bakhtinasiibkan loo qabtay 180 maalmood in uu ku dalbado abaalmarinta waxa ayna muddadaas ku ekeyd dhammaadkii asbuucii hore.

Shaqaalaha ka shaqeeya dukaankii ay tikitka ka iibsatay ayaa u sheegay CNN in haweeney ay iibsatay tikitka, iyadoona sheegtay in tikitka uu burburay kadib markii uu raacay dhar ay dhaqeysay.

Dukaanka ayaana haya muuqaalo muujinaya haweeneyda oo tikitka iibsaneysa, balse haweeney u hadashay California Lottery oo bixisa bakhtinasiibyada ayaa CNN u sheegtay “In haweeneydaan aysan ku soo wargelin khasaaraha soo gaaray aysanna la soo xiriirin xafiiska bakhtinasiibyada.”

Waxaana la sheegay in lacagtaan loo wareejin doono dugsiyada dadweynaha ee gobolka.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...