Riyad (Halqaran.com) – Xoghayaha ururka iskaashiga Islaamka mudane Yuusuf Al-Cuthaymiin ayaa haddal uu ka jeediyay kulanka Wasiirrada arrimaha dibadda ee ururkaas waxa uu ku cambaareeyay xadgudubyada Israa’iil ay ka waddo goobaha barakeysan ee dhulka Falastiin.
Yuusuf Al-Cathaymiin ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay mas’uuliyad iska saarto sidii loo joojin lahaa xadgudubyada iyo gardarada Israa’iil ay ku heyso shacabka Falastiin.
Xoghayaha ururka iskaashiga Islaamka ayaa sheegay in ururka islaamku garab taaganyahay shacabka Falastiin kana shaqeynayo sidii uu ku heli lahaa dowladd ay caasimad u tahay Qudus.
Wuxuu Xoghayuhu ugu mahadceliayay dowladda boqortooyada Sacuudiga oo shirkaan isagu yeertay sida ay u garab taaganatahay xuquuqda shacabka Falastiin.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





