Tel Aviv (Halqaran.com) – Xiisadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa sare usii kacday markii ay dagaalamayaasha Hamas boqolaal gantaal ku garaaceen Isreal, kuwaas oo looga jawaabayo weerarada cirka ah ee lagu hayo dhulka Falastiiniyiinta.
Duqeymaha Isreal ka geysatay Qaza waxaa ku dhintay dad lagu qiyaasay 35 qof, oo ay ku jiraan 12 carruur ah, sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka ee Falastiin, kuwaasoo sidoo kale sheegay in dhaawacu marayo 220 qof.
Gantaalada ayaa loo riday dhanka magaalada Tel Aviv saacadihii hore ee subaxnimadii Arbacada. Codka digniinaha ayaa laga maqlayay magaalada kaasoo ka digaya weerar soo socda, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas lagu qaaday Isreal.
Balse warbaahinta caalamka ayaa soo werineysa in magaalada Ashkelon lagu dilay laba qof, sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in qof saddexaad lagu dilay magaalada Rishon Lezion oo ku taalla koonfurta Tel Aviv.
Israa’iil ayaa xaalad deg deg ah ku soo rogtay magaalada Lod, iyadoo u dirtay guutooyin ka tirsan booliska xuduudaha si amniga loo xoojiyo, sida laga soo xigtay xafiiska saxaafadda ee dowladda, magaaladaan Yuhuuda iyo Carabta ay wada dagaan ayaa waxaa ka dhacay mudaharaadyo isku rogay rabshado.
Beesha Caalamka ayaa ku boorisay labada dhinac inay soo afjaraan xiisadda sii kordheysa, taasoo daba socota ismaandhaafkii ka taagnaa Qudus.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





