Wadaad caan ahaa oo lagu dilay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

Wadaad caan ahaa oo lagu dilay gobolka Mudug

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug waxay sheegayaan in saakay koox hubeysan ay dishay nin wadaad ah oo caan ka ahaa gobolkaas, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Sheekh Cali Dheere dilkiisa waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Taaroge oo ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Sheekh Cali Dheere ayaa ka mid ahaa culumada sida weyn looga yaqaano magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale marxuumku waxa uu ahaa maamulaha kuleej wax lagu baro carruurta agoonta ah ee Xaraar oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com