Tuesday, April 21, 2026
29 C
Mogadishu

Wadaad caan ahaa oo lagu dilay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug waxay sheegayaan in saakay koox hubeysan ay dishay nin wadaad ah oo caan ka ahaa gobolkaas, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Sheekh Cali Dheere dilkiisa waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Taaroge oo ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Sheekh Cali Dheere ayaa ka mid ahaa culumada sida weyn looga yaqaano magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale marxuumku waxa uu ahaa maamulaha kuleej wax lagu baro carruurta agoonta ah ee Xaraar oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...