Cairo (Halqaran.com) – Kulanka Wakiillada Joogtada ah ee golaha Ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu wadaa in maanta uu ka dhaco xarunta Ururka Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Shirkaan oo la filayo in looga hadlo arrimaha dalka Falastiin iyo tacaddiyada ka dhanka ah Falastiiniyiinta ay waddo Israa’iil ayaa waxaa shir guddoomin doono dowladda Qatar.
Shirkan deg dega ah ee looga hadlayo tacaddiyada iyo weerarada askarta Yuhuudu u geysteen dad ku cibaadeysanayay Masjidka Al-aqsa ayaa codsigiisa ka yimid dowladda Falastiin waxaana ku dhawaaqay kaaliyaha xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





