Kenya (Halqaran.com) – Kenya ayaa xayiraad kusoo rogtay gowraca dameeraha sanadkii 2020, laakiin kawaanleyda ka ganacsan jirtay hilibka dameeraha ayaa dacwad ka dhan ah xayiraadda dowladdu soo rogtay u gudbiyey maxkamadda.
“Dowladdu waxay ku fashilantay inay si ku filan u difaacdo kiiskaan waxayna maxkamaddu baabi’isay xayiraaddii la soo rogay sanadkii 2020 maadaama ay ku xadgudbeyso xuquuqda Star Brilliant,” ayuu yiri xaakim Richard Mwongo.
Kenya ayaa waxaa ka jira afar kawaan oo shatiyeysan oo gowraca ugu yaraan 1,000 dameer maalin kasta.
Wasaaradda beeraha ayaa soo rogtay mamnuucista gowraca dameeraha iyada oo loo aaneynayo dameeraha oo sii dabar go’ayo.
Qiimaha dameeraha Kenya ayaa saddex jibaarmay, iyadoo qaar kawaanleyda ka mid ah ay ka soo iibsadaan waddanka deriska la ah Kenya ee Uganda, waxaana maqaarkiisa loo iib geeyaa waddanka Shiinaha iyadoo loo isticmaalo soo saarista dawo dhaqameedka.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





