UK (Halqaran.com) – Ugu yaraan afar musharrax oo Soomaali ah ayaa ku soo baxay doorashooyinkii deegaanka ee Khamiistii ka dhacay dalka Britain, waxaana dhinaca kale doorashooyinkan guuldarro weyni ka soo gaartay xisbiga mucaaradka ah ee Labour Party.
Xisbiga talada haya ee Conservative Party ayaa ku guuleystay kuraas ka badan intii ay filayeen.
70% kuraastii lagu tartamay ayaa xisbiga shaqaalaha lagaga guuleystay, waana guuldaradii ugu weyneyd ee soo wajahda tan iyo intii uu xilka xisbigaasi qabtay Sir Keir Starmer.
Mandaqadda Welsh oo keliya ayuu xisbiga shaqaaluhu guulo ka gaaray, halka Scotland la filayo in uu xisbiga SNP uu helo aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka gobolkaas.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





