Palestine (Halqaran.com) – Ugu yaraan 163 Falastiiniyiin ah iyo lix sarkaal oo booliska Israa’iil ah ayaa lagu dhaawacay isku dhacyo ka dhacay magaalada Qudus, sida ay sheegeen dhakhaatiirta Falastiiniyiinta iyo booliska Israa’iil.
Intooda badan waxay ku dhaawacmeen Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa, halkaas oo booliska Israa’iil ay ku ridayeen rasaas cinjr ah iyo bam gacmeedyo iyadoo Falastiiniyiintuna ay tuurayeen dhagxaan iyo dhalooyin.
Waxaa sii kordhaya khalalaasaha oo markii hore ka dhashay qoysas Falastiiniyiin ah oo laga saaray xaafad ay deganaayeen oo daris la ah Masjidka Al-Aqsa.
Bisha Cas ayaa waxay furtay isbitaal lagula tacaalo dhaawacyada. Dhismaha Masjidka Al-Aqsa ee ku yaalla magaalada Qudus waa mid ka mid ah goobaha barakeysan ee diinta Islaamka aad looga ixtiraamo, laakiin Yuhuuddu waxay iyaguna u aqoonsan yihiin goob barakeysan oo ay leedahay, oo ay u yaqaanaan Macbadka Mount.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





