Tuesday, April 21, 2026
28.4 C
Mogadishu

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo guddi u saaray dilkii Carruurta

Koonfur Galbeed (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa magacaabay guddi baaris kumeel gaar ah oo natiijo dhab ah ka keena kiiska carruurtii walaalaha ahaa ee lagu dilay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu yiri” Markuu tixgaliyey muhiimadda ay leedahay in xal kama dambeys ah laga gaaro dilka labada carruur madaxweyne Lafta Gareen wuxuu magacaabay  guddi baaris oo kumeel-gaar ah” kuwaas oo kala ah:

1 Wasiir Maxamed Xuseen Xasan               Guddoomiye
2 Wasiir Saalax Shariif sayid Cali                Xubin
3. Aadan Cabdulaahi Macalin (Haji Eney)     Xubin
4 Malaq Cali Malaq Xasan Cali Qataar          Xubin
5 Maxamed Sheikh Adan (Bilow)                 Xubin
6. Prof Abdisalam Ahmed Malla                   Xubin
7. G/Dhexe Maxamed Xuseen Axmed          Xubin
7. Gashanle Ibraahim Cabdulle C/ raxaman Xubin
9. Gashanle Muse Maxamed Xasan             Xubin

7-dii bishii April ayaa meydka labada carruurta ah oo uu dhalay xildhibaan hore macalin Aweys Cabdullaahi oo ka tirsanaa baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana maamulka Koonfur Galbeed uu u qabtay falkaas lix ruux oo dhawaan maxkamad lahor keeni doono.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...