Muqdisho (Halqaran.com) – Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto, ayaa looga yeeray Washington si wax looga weydiiyo xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada ku lugta leh in dib loo dhigo doorashooyinka Soomaaliya.
Ambassador Yamamoto ayaa kulan ay yeesheen wakiilada Beesha Caalamka iyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ah ka sheegay in looga yeeray Washington si uu warbixin uga siiyo Mareykanka dadka ku lugta leh in ay dib u dhigaan doorashada oo khatar ku ah amniga Soomaaliya.
Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Mareykanka ay ka cabsi qabto in doorashada dib loo dhigo.
“Mareykanku wuxuu wali wadaa howlgalada milatari ee wadajirka ah kaas oo uu ku taageerayo Ciidanka Xoogga Dalka SNA. Talaadadii askari ayaa nooga dhintay gudaha Soomaaliya, Soomaalidu waa in ay wajahdaa AlShabaab oo aysan ku mashquulin meelo kale” ayuu safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ka sheegay shirkii Beesha Caalamka iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.
Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku uu diyaar u yahay in uu ka caawiyo Soomaaliya kormeerka doorashooyinka.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





