Los Angeles (Halqaran.com) – Meghan Markle oo u dhaxda Amiir Harry ayaa dhawaan daabici doonta buugeedii ugu horreeyay ee carruurta, waxaana dhiirigaliyay ninkeeda Amiir Harry iyo wiilkeeda Archie.
Buugaan oo cinwaankiisu yahay “The Bench” wuxuu ku saabsanyahay Xiriirka gaarka ah ee ka dhexeeya aabaha iyo wiilkiisa, waxaana la sii deyn doonaa 8-da bisha juun, sida lagu sheegay war-saxaafadeed Talaadadii soo baxay.
“ The Bench wuxuu ku billowday gabay aan u qoray ninkeyga maalinta aabaha, taasoo ku beegneyd bishii uu dhashay wiilkeyga Archie” ayay ku tiri Meghan Markle war-saxaafadeed ay soo saartay.
Lammaanahaan ayaa ka baxay qoyska boqortooyada sanadkii hore, waxayna sheegeen waqtigaas inay doonayeen inay noqdaan kuwo dhaqaale ahaan madax banaan.
Labada lammaane ayaa u guuray magaalada ay ka soo jeedo Meghan Markle ee Los Angles horaantii sanadkaan.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





