Friday, May 1, 2026
30.9 C
Mogadishu

RW Rooble oo ku wajahan dalka Sacuudi Carabiya

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in maalinta Jimcaha ah ee Todobaadkaan uu u dhoofo dalka Sacuudi Carabiya.

Mr. Rooble ayaa tagi doona labada Xaram ee  Shariifaynka ee Maka Al-Mukaramah iyo Madiintul-Munawarah, si uu ugu soo cibaadaysto maalmaha u dambeeya ee bishan Barakaysan ee Ramadaan.

Safarka ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ku lamaanan kulamo Diplomaasiyadeed oo uu la yeelan doono Madaxda dalka Sacuudiga.

Rooble ayaa safarkiisii saddexaad dalka dibadda uga ambabaxaya tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’isul-wasaaraha bishii September 17-dii ee sanadkii hore ee 2020-ka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa horey u booqday dalalka Qadar iyo Kuwait oo ka tirsan Golaha Iskaashiga dalalka Khaliijka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...