Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta Shariif Sheekh Axmed.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa hoygiisa ku booqday madaxweyne Sheekh Shariif, iyagoo kawada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.
Labada mas’uul ayaa isku soo qaaday amniga Caasimadda iyo dagaaladii u dambeeyay ee dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa diidan muddo kordhintii Golaha Shacabka u sameeyeen hay’adaha dowladda, kuwaasi oo ka dhacay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa waxaa la isku afgartay sidii loo qaboojin lahaa xasaraddaasi, si magaalada amnigeeda aysan u saameyn.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





