Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

Askarigii dilay George Floyd oo codsaday maxkamadeyn cusub

Minneapolis (Halqaran.com) – Derek Chauvin oo ahaa sarkaal ka tirsanaa booliska magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo u xiran dilka George Floyd oo ahaa nin madow ah, ayaa Talaadadii shalay garsoore ku sugan Minneapolis weydiistay maxkamadeyn cusub, laba toddobaad kaddib marki lagu helay inuu dilay George Floyd.

Eric Nelson oo ah qareenka Chauvin, ayaa shalay u gudbiyay codsiga dib u furidda dacwadda kalyantigiisa, taasoo uu u gudbiyay garsoore Peter Cahill oo ah xaakim ka howlgala maxkamad heer degmo ah.

Garyaqaan Eric Nelson, ayaa ku dooday in Chauvin uusan helin xukun caddaalad ah, isaga oo farta ku fiiqay in intii lagu guda jiray dhageysiga dacwadda ay dhaceen qaladaad ay ka mid ahaayeen arrimo uu ugu yeeray ‘dhaqan xumo ay ku kaceen dacwad-oogayaasha iyo guddigii xeer-beegtida’.

Wuxuu intaasi ku daray inuu dhacay qalad dhanka sharciga ah, sidaasi daraadeedna ay go’aankii ay gaareen xeer-beegtida ay tahay mid baal-marsan sharciga.

20-kii bishii April ayaa guddi ka koobnaa 12 xubnood ay danbi ku heleen Chauvin oo ah 45 jir caddaan ah.

Danbigaas oo ah inuu si ula kac ah iyo si aan ula kac aheynba u dilay George Floyd oo ahaa nin madow.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...