Hiiraan (Halqaran.com) – Dagaalka oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan una dhexeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa waxaa uu ka socdaa meel u dhow deegaanka Haracadeey oo qiyaastii 6km dhanka Galbeedka kaga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiran.
Labada maleeshiyo beeleed oo beeraleey ah ayaa waxaa ay isku heystaan dhul ku yaal deegaanka ay ku dagaalamayaan, sida ay Halqarannews u sheegeen dad ku sugan gobolka Hiiraan.
Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka u dhexeeya labada maleeshiyo beeleed, iyada oo labadii maalmood ee la soo dhaafay xiisadda dagaalka laga dareemayay deegaanka Haracadeey ee gobolka Hiiran.
Majirto mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadlay dagaalka, waxaana jiray waan waan ay wadeen odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan si looga baaqsado dagaalka balse aan lagu guuleysan.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





