Monday, April 20, 2026
31.6 C
Mogadishu

Maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo wafdiga Qatar oo kulmaya

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa maanta lagu wadaa in ergeyga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Qatar u qaabilsan la dagaalanka “Argagixisada” iyo dhex dhexaadinta xalinta khilaafaadka Mutlaq Bin Majed Al-Qahtani uu kulamo la qaato Madaxweynayaasha maamulada Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in ergayga uu dhageysanayo tabashooyinka ay qabaan madaxda Soomaalida, si loo dhameeyo khilaafka ka dhashay arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa saacadaha soo aadan la filayaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho, si uu maanta kaga qeyb galo kulanka uu ergayga Qatar la leeyihiin madaxda dowlad goboleedyada.

Wafdigaan ka socda dowladda Qatar oo maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa bilaabay dadaallo ku aadan xal u helidda khilaafka doorashada ee hareeyey Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay ergaygan wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Multaq Alqahtani iyo xubnaha diblomaasiyiinta ah ee ku wehliya safarkaan. Waxay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxay gooni gooni ula kulmeen guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo kala hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan muranka hareeyay doorashooyinka, sidoo kale xoojinta xiriirka labada dowladood ayaa lagu soo hadal qaaday kulamadii dhacay.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...