Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta lagu wadaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho
Ujeedka safarkiisa ayaa lagu sheegay in ay tahay inuu maanta ka qeyb galo kulan ay madaxda dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug ay la leeyihiin wafdiga ka socda dowladda Qatar.
Kulanka ayaa looga hadli doonaa sidii loo dhameyn lahaa tabashooyinka ka dhashay doorashada iyo dib u dhaca ku yimid.
Wafdiga ka socda Qatar ayaa kulamo ka wada magaalada Muqdisho.
Wixii ku soo kordha la soco
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





