Monday, April 20, 2026
28.1 C
Mogadishu

Shiinaha oo soo saaray tagaasi bilaa darawal ah!

China (Halqaran.com) – Shirkad tiknoolajiyadda ka shaqeyso oo laga leeyahay Shiinaha taasoo lagu magacaabo Baidu ayaa soo saartay tagaasi bilaa darawal ah, waxayna dhammaadka toddobaadkan usoo bandhigi doontaa dadweynaha.

Waxayna noqonaysaa markii ugu horreysay ee tagaasida nuucaan ah laga hirgaliyo waddanka Shiinaha.

Rakaabku waxay ku dalban karaan tagsigaan barnaamij la yiraahdo Apollo Go, markuu tagsigu yimaado rakaabku waa inuu caddeeyaa aqoonsigiisa kahor inta uusan fuulin, tagsigu wuxuu bilaabi doonaa inuu dhaqaaqo kaddib marka uu ogaado rakaabka inuu suumanka xirtay.

Baidu oo caan ku ah matoorada ayaa tijaabineysay tagsigaan ilaa iyo sanadkii hore, waxayna qaaday muddadaas in kabadan 210,000 oo rakaab ah oo kala jooga saddex magaalo oo katirsan Shiinaha, waxaana ujeedkeedu yahay inay kusii fidiso 30 magaalo saddexda sano ee soo socota, sida ay shirkaddu war-saxaafadeed ku sheegtay.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...