Friday, April 17, 2026
27.8 C
Mogadishu

Nin muddo 32 sano ah keligiis ku noolaa jasiirad oo hadda si Khasab ah looga saarayo!

Italy (Halqaran.com) – Nin u dhashay waddanka Talyaaniga ayaa wuxuu keligiis  ku noolaa jasiirad muddo 32 sano ah, ogeysiisyo guri ka saarid iyo cadaadis uga yimid maamulka ayaa keentay in uu ka guuro jasiiraddii uu muddada dheer deganaa.

81-jirkaan lagu magacaabo Mauro Morandi, ayaa deganaa jasiiradda Budelli illaa iyo 1989-kii, laakiin hadda wuxuu u guurayaa guri yar oo ku yaalla jasiiradda La Maddalena, sida uu qoray wargeyska The Guardian.

Dowladda Talyaaniga ayaa jasiiradda u bedeshay qeyb ka mid ah jardiinada qaranka. Morandi ayaa dareenkiisa ku muujiyay barta Facebook isagoo ku soo qoray qoraal qiiro leh oo u qornaa sidaan “Waxaan tagayaa anigoo rajeynaya in Budelli loo ilaalin doono sidii aan u ilaalinayay 32 sano.”

Ninkaan Markii uu yimid Budelli wuxuu la kulmay ilaaliyihii jasiiradda oo markaas howlgab noqon rabay, Mr Morandi wuxuu go’aansaday in uu iska joogo jasiiradda wuxuuna soo dhaweyn jiray dal-xiisayaasha.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...