Friday, April 17, 2026
27.8 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii ka dhacay Muqdisho & DF Soomaaliya oo ka hadashay

Muqdisho (Halqaran.com) – Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa Arbacadii maanta waxaa lagu dhuftay albaabka hore ee Xerada Asluubta oo u dhaw Ex-Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in Qaraxa uu burburiyay darbiga Xerada, isla markaana khasaaro dhimasho iho dhaawac ah ay ku noqdeen dad Shacab ah oo badankood saarnaa Mooto Bajaaj Goobta mareeysay.

Ilaa iyo saddex qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, todobo kalena way ku dhaawacmeen qaraxa, sidoo kale waxaa uu geystay burbur hantiyadeed.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan ku guuleysan ujeedkooda oo ahaa in ay gaariga waraxa siday gudaha Xerada geliyaan, balse darbiga Xerada oo ah mid adag uu dhaafi waayay sidaasina uu ku qarxay.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in la fashiliyay gaari walxaha qarxa ay ka soo buuxiyeen Al-Shabaab, kaas oo ay doonayeen in ay gudaha u geliaan xarunta  taliska Guud ee ciidanka Asluubta ee KM7.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaliyeed Gashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf oo la hadlay Warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in qaraxa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen qaraxa lagu dhuftay albaabka hore ee Xerada Asluubta oo u dhaw Ex-Control Afgooye, iyagoona sheegtay ay ku dileen ciidamo ka tirsan kuwa asluubta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...