Friday, April 17, 2026
27.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Puntland oo shuruud ku xirtay ka qeyb-galka Shirka uu ku baaqay M/weyne Farmaajo

Garoowe (Halqaran.com) – Wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboleedka Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa sheegay in shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku baaqay aysan tegayn illaa inta ay martiqaad ka helayaan Beesha Caalamka.

Wasiir Timacadde oo wareysi siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan jirin Baarlamaanka uu hortago oo Go’aan gaari karo, isla markaana ay yihiin kuwo laba dhinac u kala jaban oo ay kala hoggaaminayaan Maxamed Mursal iyo Cabdi Xaashi.

‘‘Baarlamaanka Soomaaliya iyaga ayaaba shaci aheyn oo waqtigooda dhammaaday muddana ma kordhin karaan, iyana ma kordhisan karaan micnana ma soo kordhineyso haddii uu Madaxweyne Farmaajo hortago‘‘ ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde.

Wasiirka ayaa hadalkiisa raaciyay in Puntland ay diyaar u tahay shirar kasta oo looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya, balse aysan tageen ilaa la helo damaanad Beesha Caalamka ah.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa imaanaya, xilli xalay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay in lagu laabanayo wada-hadalladii doorashada iyo heshiiskii doorashada.

Khudbaddii xalay uu jeediyay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga falceliyay mucaaradka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka.

Halka hoose ka dhageyso Wareysiga Wasiir Warfaafinta Puntland Mr. Timacadde:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...