Sunday, May 10, 2026
27.7 C
Mogadishu

Golaha Ammaanka ee QM oo war cusub ka soo saaray xaaladda cakiran ee Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa muujiyay sida qotada dheer ee ay uga walaacsan yihiin sii socoshada jahwareerka siyaasadeed iyo khilaafka u dhexeeya hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ee ku aaddan qaabka doorashada loo qabanayo .

Golaha Ammaanku ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay inay dib u milicsadeen horumarka baaxadda leh ee laga sameeyay tobankii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya, taasi oo ay ka mid tahay dadaalkii lagu bixiyay amniga, dimuqraadiyadda,isbadalka siyaasadda iyo horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan cafinta deymaha.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxay hoosta ka xariiqeen in heshiis la gaaro uu muhiim u yahay hanaan kasta oo doorasho uu guuleysto. Bayaanka ayaa intaa ku daray in heshiiskii 17 September uu wali yahay gundhiga kali ah ee ay wada taageersan yihiim dowladda fedaraalka iyo maamul goboleedyada.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadda inay diidaan wax walba oo rabshado iyo iska horimaad keeni kara islamarkana wadaxaajoodyada sida ugu dhaqsiyaha badan dib loo soo cusbooneysiiyo iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin.

Sidoo kale Qaramada Midoobey waxay balan qaaday inay diyaar u tahay in ay gacan siiso Soomaaliya. Iyagoo bogaadiyeen go’aankii ka soo baxay golaha nabadda iyo ammaanka midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD.

Bayaanka Golaha Ammaanka ayaa lagu adkeeyey in khilaafka taagan ee ku saabsan qaabka doorashada uusan kaliya minjaxaabinaynin horumarka iyo dadaalada la sameeyay, balse sidoo kale uu isha ka weecinayo dhibaatooyinka culeyska leh sida fatahaadaha, abaaraha, ayaxa, dhibaatada COVID-19, iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...