Tuesday, June 23, 2026
25.4 C
Mogadishu

Roobka xalay ka da’ay Muqdisho oo saameyn ku yeeshay dadka barakacayaasha ah

Muqdisho (Halqaran.com) – Roobka Guga ayaa xalay ka da’ay Magaalada Muqdisho, iyadoona saameyn uu ku yeeshay dadka barakacayaasha iyo isku socodkii magaalada

Barakacayaasha ayaa guryahoodii ka sameysan cooshado, waxaana xalay u galay biyo aad u badan, iyadoo xalay oo dhan aanay seexan, mana jirin wax gurmad ah oo ay heleen.

Qaar ka mid ah barakacayaasha ku nool Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in saameyn balaaran ay ku yeesheen Roobka, islamarkaana uu guryaha ugu soo galay Roobka

Sidoo kale, roobkan ayaa biyo dhigay waddooyin waaweyn oo magaalada Muqdisho, isaga oo saameeyey isku socodka magaalada.

Waddooyinka Muqdisho ayaa waxaa buuxsamay ciid ama carro, taasi oo ka timid xaafadaha qaar, iyadoona gaadiidka ay ku dhib qabaan marista waddooyinka.

Sidoo kale Xaafadaha degmooyinka qaar ayaa xalay waxaa buux dhaafiyay biyaha roobka, iyadoona la arkayay, iyagoo dadka daabulaya Biyaha roobka.

Dhanka kale gobalada dalka ayaa xalay waxaa ka da’ay roob saameeyay dadka iyo duunyada.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...