India (Halqaran.com) – Maalintii xafladda arooskooda ayay lammaanayaashaan sameeyeen arrin noqotay middii ugu horreysay ee ka dhacda waddanka India kaddib markii ay biyo hoos u quuseen 60 feet badweynta xeebta Neelankarai.
Chinnadurai iyo Swetha waxay isku guursadeen biyo hoostood, caruuska iyo caruusadda ayaa maalinkii meherkooda subixii u soo kallahay xeebta iyagoo xiran dhar dhaqameed iyo qalabka neefta.
“Waxay ahayd guur dhaqameed, sidoo kale waxay aheyd midda keliya ee ka dhacda biyo dhexdooda, waxaana is dhaafsanay haddiyado.” Caruuska ayaa sidaas yiri.
Isagoo 12 jir ah ayuu bartay sida biyaha loo quuso, muddo bil ah ayuu gabadha aroosadda tababaray. Aroosadda waxay sheegtay in soo jeedinta in arooska uu ka dhaco biyaha dhexdooda ay lahaayeen qoyska wiilka.
Lammaanahaan dhigtay arooska cajiibka ah ayaa sheegay in dhammeystirka xafladdooda ay qaadatay 45 daqiiqo.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





