Friday, April 17, 2026
27.8 C
Mogadishu

Ciidanka XDS ee Al-Shabaab ka difaacay Degmada Awdheegle oo la dalacsiiyay +(SAWIRRO)

Awdheegle (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Jimcihii maanta dalacsiiyay Ciidankii Xoogga Dalka ee maleeshiyada Al-Shabaab ka difaacay Degmada Awdheegle iyo deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa weerar isku waqti bilowday waxay Sabtidii ku qaadeen xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Awdheegle iyo Bariire, iyadoo uu weerarku ku bilowday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaana sheegay in tiro ku dhow 100 maleeshiyo dagaalkaasi looga dilay Al Shabaab.

“Waxaa maanta isla goobtii ay ka difaaceen cadowga dhagarqabaha ah ee Al Shabaab uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Odawaa Yusuf Raage ku dalacsiiyay Saraakiisha, Saraakiil Xigeenada iyo dhammaan ciidankii ka qayb qaatay guusha laga gaaray dagaalkii dhagarqabayaashu ku soo qaadeen Degmada Awdheegle.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa u hambalyeeyay askarta la dalacsiiyay, isagoona ku ammaanay inay jab xoogan u gaysteen argagixisada, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.

“Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga XFS, Xasan Xuseen Xaaji ayaa hambalyo u diray Saraakiisha, Saraakiil Xigeenada iyo dhammaan askartii maanta la dalacsiiyay ee ka qayb qaadatay jabkii xoogaanaa ee dhawaan argagixisada ay gaarsiiyeen weeraradii fuleynimada ahaa, ee ay ku soo qaadeen Awdheegle iyo Bariire.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka waxa kaloo lagu sheegay “Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waday dadaalo xoogan oo lagu dhiirigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo wada qorshe ballaaran oo lagu wiiqayo argagixisada.”

Ugu dambeyn, weerarkan ayaa noqonaya kii ugu xooganaa ee sanadkan labada dhinac ku dhex mara Gobolka Shabellaha Hoose.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...