Saturday, April 18, 2026
30.1 C
Mogadishu

Wararkii u dambeeyey shirka hoggaamiyeyaasha Soomaaliya oo ka furmay Afisyooni

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa goordhow Teendhada Afisyooni ka bilowday shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, kaas oo lagu sii amba qaadayo wadahadalladii hor dhaca u ahaa shirweynaha guud ee heshiiska looga gaarayo khilaafka doorashada.

Dhammaan madaxda dowlad goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo, ra’iisul wasaare Rooble iyo Duqa Muqdisho ayaa goobjoog ah oo shirka soo xaadiray.

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shir guddoominaya kulanka maanta madaxda uga furmay Afisyooni.

Xukuumadda ayaa qoraal ay ka soo saartay shirkan waxay rajo uga muujisay in maanta horumar laga sameeyo qodobada la isku mari la’aa maalmihii lasoo dhaafay.

Qodobada la isku hayo waxaa ka mid ah ajandaha shirka rasmiga ee lagu wado in madaxdu ay yeeshaan toddobaadyada ama maalmaha soo socda.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...