China (Halqaran.com) – Haweeney ka qeyb galeysay arooska wiilkeeda ayaa madasha kala tagtay ilmo qoysay kaddib markii ay ogaatay in caruusadda ay tahay gabadheeda oo waa hore ka luntay. Dhacdadaan waxay ka dhacday dalka Shiinaha gobolka Jiangsu.
Hooyada markay timid goobta waxay fiirisay caruusadda, waxay ula ekaatay gabadh ka maqneyd. Si shakigu uga baxo waalidkeeda ayay weydiisay inay dhaleen gabadha iyo inay soo korsadeen kaliya.
Qoyska gabadha oo layaabay su’aasha, waxay sheegeen inay sannado ka hor waddada dhinaceeda ka heleen kaddib ay gabadhooda oo kale ay ka dhigteen.
Markii aroosaddu ay maqashay sheekada illin ayaa ka timid, waxay dooneysay iney wax badan ka ogaato waalidkeeda. Waxay sheegtay in la kulanka hooyadeed ay tahay maalinkii ugu farxadda badnaa nolosheeda.
Waxaa bilowday weji kale, aroosaddu waxay ka warwarsaneyd guurka walaalkeed ka weyn balse hooyadeed ayaa u sheegtay in caruuskaba ay soo korsatay keliya.
Waxaana la sii dhammeystiray xafladdii arooska iyadoo qoyska cusub loo rajeeyay wanaag.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





